Victorian Seniors Card
Kani waa Seniors Card, wuxuuna leeyahay faa’iidooyin iyo qiimo dhimis badan.
Ujeedada Seniors Card waa in lagu dhiirigaliyo dadka da’da ah in ay sii wadaan firfircoonida oo ay bulshada ka mid ahaadaan, taas oo raqiis uga dhigaysa waayeelka inay dibbada u baxaan.
Si aad xaq ugu yeelato Seniors Card-ka Victoria waa inaad jirtaa 60 sano ama ka weyn, laakiin waad codsan kartaa kaarka ilaa afar toddobaad ka hor intaadan gaadhin 60.
Waa inaad tahay degane rasmi ah oo Australia degan kagana sii nool Victoria.
Waxaa jira laba kaar oo kala duwan
- Haddii aad shaqeyso in ka yar 35 saacadood todobaadkii waxaad codsan kartaa Seniors Card.
- Haddii aad shaqeyso 35 saacadood todobaadkii ama ka badan waxaad codsan kartaa Seniors Business Discount card.
Si aad online uga codsato waxaad u baahan doontaa inaad haysato Medicare-ka.
Waxay qaadanaysaa shan daqiiqo oo Seniors Card waa bilaash.
Foomamka codsiga waxaa sidoo kale laga heli karaa maktabadda xaafaddaada, waxayna kaa caawin karaan foomka internetka.
Dadka haysta Seniors Card-ka iyo Seniors Business Discount Card-ka waxay ka faa’iidaysan karaan qiimo dhimista alaabta iyo adeegyada kumanaanka Seniors Card business.
Dadka haysta Seniors Card - Seniors myki Card oo lacag la’aan ah ayaad helaysaa markaad ku biirto barnaamijka iyo waliba qiimo dhimis gaadiidka dadweynaha ah.
Faa’iidooyinka waxaa ka mid ah:
- Qiimo dhimis kumanaan ganacsi oo ay ku jiraan maqaayadaha
- Qiimo dhimis meelo badan oo soo jiidasho leh sida Beerta Xayawaanka ee Melbourne.
- Dhimista gelitaanka madxafka.
- Qiimo dhimista tigidhada filimada.
Raadi calaamadda ‘Seniors Card Welcome Here’ ama weydii qiimo dhimista Seniors Card marka aad dibadda ku sugan tahay.
Ka dalbo online-ka si ay maanta kuugu bilaabato helitaanka faa’iidooyinka Seniors Card.
Bandhiga Waayeelada Fiktooriya
Dabaaldegga sanadlaha ah ee waayeelada Fiktooriya, Bandhigga Waayeelada Fiktooriya waxa uu dhacaa sanad kasta inta lagu jiro bisha Oktoobar oo dhan.
Bandhiga Waayeelada Fiktooriya waxaa ku jira kumanaan dhacdooyin oo bilaash ah iyo qiimo jaban agagaarka Fiktooriya, oo ay soo qabanqaabiyaan mid kasta oo ka mid ah 79-ka gole deegaan ee gobolka iyo 450 kooxood oo kale.
Ku biir madadaalada bisha Oktoobar
Gole deegaan kasta waxay qaban qaabinayaan dabbaaldegyo gaar ah iyo waxyaabo madadaalo ah si ay ugu dabaaldagaan waayeelada iyo odayaasha.
Bandhigyada onlaynka ee Bandhiga Waayeelada Fiktooriya ee Bilaashka ah (1/10/2023 – 8/10/2023)
Wax badan ka ogoow
- Booqo Onlaynka Waayeelada si aad u hesho jadwalka dhacdooyinka Bandhiga gobolka oo dhan bisha Oktoobar www.seniorsonline.vic.gov.au/festival
- Kala xidhiidh golaha deegaankaaga dhacdooyinka deegaankooda ee agagaarkaaga ah.
- Ka soo wac adeega macaamiisha Kaadhka Waayeelada 1300 797 210 inta u dhaxaysa 9:00AM-2:00PM maalmaha shaqada.
- Wixii caawinaad ah ee luuqadaha kale wac 131 450 oo weydii iney wacaan adeegga macaamiisha Kaadhka Waayeelada 1300 797 210 inta u dhaxaysa 9:00AM-2:00PM maalmaha shaqada.
Reviewed 28 January 2024